Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Somaliland oo guddi heer Wasiir ah u Magacaabay..

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay XM/G/083-049/012025ย  uu ku magacaabay Guddida Dib-u-habeynta & Casriyeynta Ciidammada kala duwan

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Dhammaan Masโ€™uuliyiinta hoos ku xusan

Og: Dhammaan Taliyayaasha Ciidammada JSL

๐”๐ฃ๐ž๐ž๐๐๐จ: ๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐ƒ๐ข๐›-๐ฎ-๐ก๐š๐›๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š & ๐‚๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐๐š ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐๐ฎ๐ฐ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐.

Sida aad la socotaan, waxa ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dib-u-habaeynta, dardar-gelinta, casriyeynta iyo horumarinta hawlaha Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, laga bilaabo taariikhda maanta waxa aan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddida Dib-u-habeynta & Casriyeynta ee Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›-๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐ž๐ž๐๐ค๐ฎ ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ฌ๐ข๐๐š๐ง:

  1. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga & Difaaca โ€“ Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga โ€“ Gud/Kuxigeen.
  3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada โ€“ Xoghaye
  4. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha- Xubin
  5. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda โ€“ Xubin
  6. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda – Xubin
  7. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha- Xubin
  8. La-taliyaha Sare ee Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha – Xubin

Haddaba, waxa aan idinka rejaynayaa in aad xilkaas u gudan doontaan si mug iyo miisaan leh, isla markaana aad hawshaas ku soo dhammaystiri doontaan muddo kooban, idinka oo adeegsanaya farsamada iyo khibradda ay u baahan tahay howshani.

Taliyayaasha Ciidammada kala duwan ee dalka waxa aan farayaa in ay guddidan gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan aan u xilsaaray.

๐€๐ฅ๐ฅ๐š๐š ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ๐‹๐ž๐ก

Related posts

Haweeney caan ka aheyd Tiktok oo la dilay iyo khubaro loo saaray kiiska baarista dilka

Cabdi Cade

RW Khayre oo ka hadlay Xuska sanadguuradii 21aad ee aasaaskii MaamulkaPuntland

Caydiid Ali

Xildhibaan Ka Hadlay Abaaraha Ka Jira Guud ahaan deegaanada Galmudug !!

admin
Taboola Ads ---