Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay Dilkii Almaas Elman iyo Baaritaano biloday

Waxaa shalay gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho xabad kula dhax dhacday Almaas Elman Cali oo aheyd gabar Soomaaliyeed oo ka shaqeeneysay arimaha xaquuqda aadanaha sidoo kale horey usoo noqotay diblumaasiyad sare.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Almaas Elman oo ah gabar kasoo jeeda Qoys Soomaaliya dhaxdiisa caan ka ah.

Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya in xarunta Dambi baarista CID-da ay furtay gal dacwadeed ku aadan dilka Almaas Elman iyo sida uu u dhacay, waxa uuna xusay in baarista ka qeyb qaadanayaan saraakiil khubaro ah.

Taliyaha kama uusan hadlin sida uu u dhacay dilka Almaas Elman, waxa uuna sheegay kaliya in la bilaabay baaritaano ayna ka war sugayaan natiijada kasoo baxda baaritaanada bilowday.

Dilka Almaas Elman oo ka dhacay gudaha xarunta Xalane oo ah goob amaankeeda si weyn loo ilaaliyo ayaan wali la ogeyn sida uu u dhacay, waxaana gabadhan xabad ku dhacday xili ay saarneyd gaari dhax marayay gudaha xarunta Xalane.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -