DF oo shaacisay xiliga la bilaabayo Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada G/Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukumadda Fedeeraalka Soomaaliya ayaa war qoreaal ah oo ay soo saartay maanta ku shaacisay in 11 bisha soo socota uu bilaaban doono Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir .

Sanadkaan qaadista Imtixaanka waxaa si wadajir ah u qaadi doono wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare iyo Agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir .

Sidoo kale Wasraadaddu waxaa ay sheegtay in dhawaan ay soo saari doonto jadwalka Imtixaanaadka fasalada 4-aad .

Dowladda Soomaaliya ayaa 1-kii sedexaad amartay in la xero goobaha waxbarashada dalka si loo xakameeyo cudurka Safmarka ah ee Covid-19 oo markaasi si xowli ah ugu sii faafayay dalka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -