Masuuliyiin xabsi guri loo galiyay qaraxii xooganaa ee ka dhacay magaalada Beyruut

Masuuliyiin katirsan maamulka dekadda magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan ayaa la galiyay xabsi guri ,waxaana socda baaritaano xoogan oo ku aadan qaraxii dadka badan ku dhamaadeen ee ka dhacay magaaladaasi.

Warbaahinta dalka Lubnaan ayaa ku warantay in qaar kamid ah masuuliyiinta Dekadda Beyruut uu qaraxu ka dhacay la galiyay xabsi guri, waxaana ku socda masuuliyiintaasi baaritaano lagu ogaanayo waxa ay ka ogaayeen kiimikada qaraxday.

Madaxweynaha dalka Lubnaan Misheel Cawn ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate taasoo si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin dekadda ku yaallay muddo lix sano ah.

Madaxa kastamada ee dekada Beyruut Badri Dahir,  ayaa sheegay in ay codsadeen in kiimikadaasi lagu keydiyay makhaasiinka ku yaala gudaha dekadda  in laga qaado balse aysan taasi suurto galin.

Qaraxa ka dhacay dekadda magaalada Beyruut ayaa ahaa kii ugu weynaa taariikhda, waxaana qaraxaasi ku dhintay dad ka badan 130-qof halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 4-kun oo qof , waxaana ku bur buray dhismayaal aad u badan.

Kiimikada qaraxday gaar ahaan maadama Ammonium nitrate ayaa loo adeegsadaa bacriminta beeraha iyo weliba sameynta walxaha qarxa, waxa ayna ku keydsaneyd makhaasiin kuyaala dekadda iyadoona wali la ogeyn waxa sababay in ay qaraxdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -