Daawo Sawirada: Danjiraha Somalia u fadhiya Itoobiya oo Warqadaha aqoondiga laga gudoomay

Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle -work Zewde , ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo kaga gudoontay safiirka Soomaaliya u fadhinaya dalka Itoobiya Danjire Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camey.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha Madaxtooyada Itoobiya ayaa warqadaha aqoonsiga looga gudoomay Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya, waxaana munaasabada ka qeyb galay diblumaasiyiin iyo xubno kale oo katirsan madaxtooyada.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hada xiriirkooda ka wanaagsan yahay sidii waagii hore, waxaana labada dal ka dhaxeeya xiriir iyo isku soo dhawaansho, waxaana madaxda labada dal sanadkii hore wada saxiixdeen heshiisyo badan.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Cabdixakiim Cabdullahi Camey ayaa horey usoo noqday Madaxweyne kuxigeenkii maamulka Puntland , waxaana safiir loo magacaabay markii uu ku guul dareestay in mar kale Madaxweyne ka noqdo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -