Guddiga Maareynta Lacagaha loogu deeqay Fatahaada Baladweyne oo la magacaabay

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Guddiga Maareynta Lacagaha loogu deeqay Fatahaada magaalada Baladweyne.

Guddigan ayaana isugu jira ganacsato iyo masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle ayaa loogu tala galay in ay maareeyaan lacagaha kala duwan ee loogu deeqay dadka ay saameesay fatahaada magaalada Baladweyne.

- Advertisement -