Rag iska dhigay Madaxweynaha dalka Kenya oo Xabsi la dhigay !!(Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay 7-nin oo lagu eedeeyay in ay iska dhigeen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta si ay ganacsade caan ah uga qaataan lacago sharci daro ah.

Kooxdan la xiray ayaa la sheegay in ay ahaayeen shabakad iska dhigta ama ku qaraabatada Madaxweynaha Kenya iyo masuuliyiin kale oo dowlada katirsan, waxa ayna kooxdan doonayeen in farsamadaasi lacago ku sameeyaan.

Booliiska todobada nin ay xireen ayaa la sheegay in mid kamid ah uu iska dhigay Madaxweynaga Kenya Uhuru Kenayatta uuna telfoon kula hadlay ganacsade Naushad Merali oo ah guddoomiyaha shirkadda Sameer Africa.

Ninka la hadlay ganacsadaha oo codkiisa u ekeesiiyay kan Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ka dalbaday ganacsadaha in uu bixiyo lacag loogu fududeenayo howlaha ganacsi ay wado shirkadiisa.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in ninkan iska dhigay Madaxweynaha Kenya uu ka dalbaday ganacadaha in uu bixiyo lacag gaareysa 10 milyan oo shilinka Kenya oo u dhiganta 100,000 oo doolar.

Kooxdan iska dhigtay Madaxweynaha Kenya ayaana  kasoo muuqday makamad, waxaana booliiska codsadeen in la siiyo Waqti dheeraad ah oo lagu soo baaro kooxdan burcada ah ee dooneysay in si xeeladeesan lacag ku dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -