Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo Saraakiil hore kala tashaday Duullaan ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Senator hore Kornayl Axmed Xaashi Maxamuud, Xildhibaan hore Rashiid Aadan Cabdullahi Gabyoow Iyo Janaraal Cabdi Mahdi Cabdisalaam.

Madaxweynaha oo uu wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa masuuliyiintan ka dhagaystay figradahooda iyo aragtiyada wax ku oolka ah ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan dagaalka ka dhanka Al Shabaab iyo xaalada guud ee dalka.

Waxaa Madaxweynahu uu masuuliyiintan la wadaagay qorshayaasha maamulka Jubaland ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo howlgalada natiijooyinka Wanaagsan laga gaaray ee ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo Ciidamada xooga dalka.

Inta uu kulanku socday waxaa kale oo Masuuliyiintu ay isla soo qaadeen sidii loo adkayn lahaa Midnimada Bulshada iyadoo wax walba oo kala aragti duwanaansho ah loo marayo xalinteeda wada hadal iyo is qancin taas oo ah wadada kaliyah ee lagaga dhabayn karo himilooyinka shacabka Jubaland.

Related posts

Banaan bax looga soo horjeedo Muuse Biixi oo ka dhacay magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Diyaarad dagaal Nuucii ugu dambeeyay Dunida oo Duqeymo geesatay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo qabtay gaari qaraxyo laga soo buuxiyay ninkii wadayna toogtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---