Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Wariye Maxamed Ibraahin Gaabow oo maanta lagu aasay Muqdisho

Allaha u naxariisee waxaa maanta Qabuuraha Barakaat ee magaalada Muqdisho lagu aasay Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow oo shalay galinkii dambe ku geeriyooday qarax lagu soo xiray gaari uu watay.

Aaska Meydka Wariyaha waxaa ka qeyb galay Eheladiisa, Wariyaal iyo Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir, waxa ayna dhamaan ka murugsanaayeen dilka naxtinta leh ee loo geestay Wariye Maxamed Ibraahin.

Ururka Saxfiiinta Soomaaliyeed ee Nusoj ayaa cambaareeyay dilka loo geesay Wariye Maxamed Ibraahim oo ka shaqeenayay Telefishinka Kalsan, waxa ayna laamaha amaanka ka dalbadeen in lasoo xiro dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Magaalada Muqdisho sanadihii ugu dambeeyay waxaa lagu dilay Wariyaal u shaqeenayay Warbaahinta Madaxa banaan iyo Wariyaal ka howlgala Warbaahinta dowlada, waxa ayna Soomaaliya ka mid tahay Wadamada ugu badan ee ka dhacaan dilalka saxafiyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Trump: “Qof walba oo Maraykan ah waa inuu u diyaar garoobaa Maalmaha adag ee soo socda”

Caydiid Ali

IGAD oo xil culus u magacowday Madaxweynihii hore ee Mamulka Hirshabelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---