Amaanka Doorashada Soomaaliya oo si hoose loogu wareegay Ra’isul Wasaare Rooble

Warqad Wasaarada arimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya u dirtay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in amaanka doorashada Soomaaliya uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dowlada Soomaaliya ayaana sheegtay kadib walaac laga muujiyay amaanka doorashada iyo sida loo wajahayo amniga doorashada la hoos geeyay guddi amaan uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Rooble.

”Iyada oo laga jawaabayo walaacyada la xiriira amniga doorashada, waxaan halkan ku xoojinaynaa in Guddi amaan oo Doorashooyinka Qaranka uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ay noqon doonaan kuwa farsaama ahaan wajaha arrimaha amaanka ee la xiriira doorashooyinka.” ayaa lagu xusay qoraalka Golaha amaanka dowlada u dirtay.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey u shaaciyay in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo mar kalana ah musharax aan lagu aamini karin amaanka doorashada iyo maamulkeedaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -