Donald Trump oo muddo kooban lagu xiray xabsiga weyn ee Fulton County

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa laga sii daayay xabsiga Fulton County ee magaalada Atlanta, ku dhawaad 20 daqiiqo oo uu halkaas ku jiray.

Waxaa lagu soo eedeeyay dambiyo la xiriiran isku daygii uu ku doonayay inuu ku baabi’iyo guuldaradii dib u doorashadiisa 2020-ka ee doorashadii gobolka Georgia.

Trump ayaa xabsiga galay wax yar kadib 7:30 pm saacadda magaalada Atlanta, iydoo halkaas looga qaaday sawirka laga qaado maxaabiista, kaasoo kaddibna la shaaciyay.

Waa markii afaraad oo Trump la xiro shantii bilood ee la soo dhaafay, waxaa la sii daayay iyadoo la sugayo dacwadda kadib markii uu dhigay lacag damaanad ah dhan $200,000 taasoo ay qareennadiisu horraantii toddobaadkan kala xaajoodeen xeer-ilaaliyaha degmada Fulton Fani Willis.

Ka hor inta uusan raacin diyaaraddii ka qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Atlanta, waxa uu si kooban ula hadlay warfidiyeenka, isaga xarrigiisa ku tilmaamay mid cadaalada ka fog.

“Wixii halkan ka dhacay waa caddaalad darro, wax khalad ah ma sameyn, qof walbana waa ogyahay, waxaana xaq u leenahay, xaq kasta, inaan ka hortagno doorasho aan u aragno mid aan daacad ahayn,” ayuu yiri Trump oo diiday inuu ka jawaabo su’aalo ay saxaafaddu waydiisay.

 

- Advertisement -