Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray, kana hadlay ujeedada safarkiisa (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliyay xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka ah ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkiisu uu yahay ka qeyb galka shirka dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee lagaga hadlayo amaanka Soomaaliya.

“Maanta Cadowga kaliya ee aan leenahay ee dadkeena dilaya waa Shabaab sidaas oo ay tahay wali waxaan rajaynayaa in loo midoobo oo si dhab ah loola dagaalamo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dagaalka Argagixisadu uu u baahan yahay wadajir in loo wajaho oo aan cid gaar ah lagu halayn si dhibaatada dadka looga dulqaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabsi Xoogan oo ka jirta Muqdisho kadib Warbixin Amaan oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Mashruuc lagu Ballaarinayo Garoonka Aadan Cadde oo socda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Laftagareen iyo Mr. Ikali Karvinen? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---