Wasiiro Itoobiyaan ah oo Muqdisho imaanaya iyo Xog ku aadan ujeedka Socdaalkooda

Warar lagu kalsoonaan karo oo heshay Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in maalmaha soo aadan magaalada Muqdisho kusoo wajahan yihiin dhowr Wasiir oo katirsan Xukuumada federaalka ee Itoobiya .

Wasiiradan ka tirsan dowlada Itoobiya ayaa magaalada Muqdisho u imaanaya dar dargalinta heshiiskii sanadkii hore magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sanadkii hore waxa ay labada dal kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah si is dhax gal bulsho oo labada dal ah loo abuuro, heshiiskaasi ayaana yimid markii Abiy Axmed Booqashadii ugu horeesay ku yimid Muqdisho.

Heshiisyada labada dal kala saxiixdeen ayaa loo xil saaray Wasiiro isku dhaf ah oo labada dal kala matalaya, waxaana la filayaa in labada dhinac dib u eegis iyo dar dar galin ku sameeyaan heshiisyadii horey loo wada gaaray.

Qodobkii ugu weynaa ee labada dal ku heshiiyeen aadna looga fal celiyay ayaa ahaa in Dowlada Itoobiya loo ogolaaday in ay maalgashato afar dekad oo kuyaala Soomaaliya iyo in la dhiso Laami xiriiriya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -