Afar ruux oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Kaxda ee gobolka Banaadir waxay ku dileen afar qof oo shacab ahaa, iyagoo dhaawacay qaar kale.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in rag hubeysan oo qaab qabiil u abaabulan ay tageen biibito lagu fiidsado oo ku taala degmadaas ayna halkaas ku dileen sadex qof oo dhalinyaro u badnaa, iyadoo wararka qaarna ay dadka la dilay gaarsiinayaan afar qof.

Ehelada dadka caawa la dilay qaarkood ayaa sheegay iney falkan ay tuhunsan yihiin in loogu aar gudayey oday xalay lagu dilay degmadaas sidoo kalena lagu dhaawacay labo wiil oo uu dhalay.

Xaalada degmada Kaxda ayaa caawa kacsan, waxaana goobta uu weerarkan ka dhacay gaaray ciidamada Booliska degmadaas oo halkaas ka wada baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen.

Dadka degaanka qaarkood ayaa sheegaya in dilalkan ay u dhexeeyaan labo jufo oo ka wada tirsan beesha degaankaas u badan kuwaasoo ay sheegeen in mudooyinkanba uu u dhexeeyey khilaaf la xiriira aano qabiil iyo dilal horey u dhacay oo aan weli xal laga gaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -