Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah: Iska hor imaad goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya uu ka dhacay agagaarka Isgooska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho .

Sida aan Wararka ku helnay iska hor imaadkan ayaa u dhaxeeyay ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya iyo Ciidamada Kumaandooska ee tababareen dowlada Imaaraatka Carabta.

Mar qura ayaa lagu kala cararay isgooska Tarabuunka kadib markii rasaas xoogan isdhaafsadeen ciidamadan kawada tirsan doawlada, rasaasta ayaana markii dambe si iskeed ah u istaagtay.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan goordhaw ka dhacay Isgooska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, waxaana daqiiqado hakad galay isku socodka dadka iyo ganacsigii suuqa ka jiray.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgooska Tarabuunka waxaa marar badan ka dhacay iska hor imaadyo ay ku lug leeyihiin Ciidamada ay tababartay dowlada Imaaraatka ee ku xareesan xerada Generaal Gordan .

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaasha Milatariga iyo Booliiska oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Taliska Ciidamada ATMIS

Cabdi Cade

Dowlada federaalka oo digniin adag ka bixisay ku xad gudubka dhul Badeedka Somalia

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi & taliyeyaal ciidan oo la hadlay Maleeshiyaad loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---