Shiikh Shariif oo si yaab leh uga hadlay ciidan ka tirsan NISA oo lagu soo tababarayo dibeda

Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay inuu shaki weyn ka qabo ciidamo ka tirsan NISA oo tababar loogu qaadayo qaar ka mid ah dalalka saaxiibka la ah Somalia.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay Munaasabadda daahfurka ee Madasha Xisbiyada Qaran oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu shaki weyn ka qabo ciidamo uu sheegay inay qoreyso Nabadsugida oo labo dal kaliya loo dirayo, isagoo su’aal geliyay waxaa keenay in labadaas dal kaliya loo diro.

“Shaki weyn ayaa ka qabnaa Ciidamo habeen la qoraayo oo Nabadsugida qoreyso, oo labo dal loo dirayo”ayuu yiri Shariifka oo aan magacaabin dalalkaas.

Warar la isla dhex marayay maalmahan ayaa sheegayay inay jiraan Ciidamo tababaro loogu qaaday dalalka Eritrea iyo Qatar oo aan horay uga mid aheyn dalalkii Ciidamada loogu soo tababaray Soomaaliya inkastoo ay yihiin dowlado saaxiibo dhow la ah dowlada Madaxweyne Farmaajo.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horey uga digay dowlada in ciidamada qaranka iyo heyadaha amaanka aan siyaasad loo adeegsan Karin, balse Shiikh shariif ayaa u muuqda inuu siyaasadeynayo howlaha ciidamada iyo tababarada loogu dirayo dibeda.

Sidoo kale, dad badan ayaa isweydiinaya sida ay isu qaban karaan damaca Shiikh Shariif ee xukunka dalka iyo shakiga uu ka muujiyey ciidamada uu xukumi lahaa hadii uu talada qabto mar kale.

“Ciidanka NISA waa ciidan dowladeed, farmaajo iyo khayre malaha oo ka hor ayey jireen, ka dibna wey jiri doonaan, in la siyaasadeeyo waa arin yaab leh oo dad badan ka fajacisay, in dalal dibeda ah lagu soo tababarana maaha wax cusub” ayuu yiri Prof. Xasan Macalin Yaxye oo wax ka dhiga jaamacadadaha dalka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -