Japan oo burburineysa toban tareen oo casri ah iyo sababta ka dambeysa (Sawirro)

Dowlada Japan ayaa shaacisay inay burburineyso toban tareen oo ah kuwa cusub oo casri ah mujdo koobana la isticaamalayey.

Tareenadan oo ah kuwa loo yaqaano bullet, ahna kuwa aadka u dheereeya ayay dowladda sheegtay inay furfuri doonto, oo ay ka dhigi doonto biro isbeer ahaan loo adeegsan doono.

Waxaa Tareenada galay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo wato duufaano, kuwaasoo maalma ka hor ka da’ay dalkaas, waana sababta keentay in la burburiyo.

Biyaha ayaa liqay oo buux dhaafiyay tareenada, oo waxaa ay gudaha u galeen halkii ay rakaabka fariisnayeen, sidoo kalena waxaa ay waxyeeleyeen matoorka iyo agabkii kale ee casriga ahaa ee ku rakibnaa tareenada.

“Daadadka waxay saameyeen oo waxyeelo gaarsiiyeen meelo muhiim ah oo ay ka mid yihiin matoorada iyo bareega tareenada, oo haddii ay biyo taabtaan ay adag tahay inay dib u shaqeeyaan” ayuu yiri Madaxa shirkadda East Japan Railway Yuji Fukasawa.

Waxaa kale oo uu sheegay in sababta loo badelayo ay tahay badqabka rakaabka, taas na ay keeneyso in la badelo oo la keeno kuwa cusub. Halkii tareen ayay warbaahinta dalkaas kusoo warranatay in qiima ahana u ku fadhiyo lacag dhan 135 milyan oo doolar, waxayna ka dhigan tahay in Japan ay khasaartay hal bilyan oo dollar lacag ka badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -