Allbanaadir.com
NEWS

Injineero Turki ah oo Qarax lagula beegsaday Duleedka magaalada Muqdisho

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Siinka Dheer waxaa lagula beegsaday gaadiid ay la socdeen Injineero Turki ah oo dhisaya laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa lala damacsanaa Injineerada Turkida uu haleelay gaari ciidan oo ilaalo u ahaa Injineerada Turkiga ee ku howlan dhismaha ka socda Laamiga isku xira Afgooye iyo Muqdisho.

Ciidamo ilaalo u ahaa Injineerada Turkiga ayaa la sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa, mana jiro wax khasaaro ah oo qaraxaasi kasoo gaaray Injineerada Turkida ee laamiga dhismihiisa ku howlan,

Qaraxyo miino ayaa dhowr mar lala eegtay Injineerada Turkiga ee ku mashquulsan dhismaha laamiga isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaana inta badan qaraxyada ka dhaca laamigaasi sheegata kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Booliiska Maraykanka oo qabtay ninkii toogtay saddex arday oo reer Falastiin ah

Caydiid Ali

Xildhibaan kamid noqonaya Golaha Shacabka Soomaaliya oo goordhaw la doortay

Cabdi Cade

Somaliland oo fasaxday shirkad duulimaad oo fulisay amar ka soo baxay dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---