Allbanaadir.com
NEWS

Xukuno adag oo saakay lagu riday 9-Qof oo haweeney ay ku jirto (Daawo Sawirada)

Maxkamada ciidamada Qalanka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan oo xabsi ah ku riday 9-xubnood oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen kooxda Al Shabaab gaar ahaan kooxda wax disha ee loo yaqaan Amniyaadka.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaana soo bandhigay dambiyada loo heesto xubnahan katirsan Al Shabaab, waxaana Maxkamada sheegtay in dadkan lagu hayo cadeemo muujinaya in xubno muhiim ah ka ahaayeen kooxda Al Shabaab.

Dadka Maxkamada lasoo taagay oo ahaa 9-xubnood ayaa waxaa ku jirtay haweeney la sheegay in hubka u keydin jirtay ragan loo heesto in ay katirsanaayeen kooxaha dadka dila ee Al Shabaab.

Xubnahan loo heesto in ay katirsan yihiin Al Shabaab ayaa la sheegay in ay ka howl gali jireen Degooyinka Yaqshiid iyo Hiliwaa ee gobolka Banaadir sida ay cadeeyeen xeer ilalainta Maxkamada ciidamada.

Garsoorayaasha oo dhageysi kiiskan waqti badan geliyay ayaa ku kala xukumay sagaal eedeysane:- Axmed Cabduqaadir Axmed Xabsi Daa’in, waxa ay sidoo kale Maxkamadda kuwada xukuntay min Shan iyo Toban (15)-sano 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye, halka ay Maxkamadda min Sideed (8)-sano ku kala xukuntay:- 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo 2-Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar.

Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dadkan Maxkamada ku riday xukunada kala duwan ee xabsiga ah ayaa waxaa u furan in racfaan ka qaataan Xukunkan lagu riday sida uu shaaciyay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo Soo Saartay Sharci Cusub oo saameyn ku yeelanaya soo galootiga

Cabdi Cade

Shariif Xasan oo lagu soo dhoweeyey Garoonka dayuuradaha Col. Shaati guduud (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo shaacisay in Dagaal kula jiraan Argagaxiso heesata qalab casri ah oo ay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---