Ciidamada Turkiga oo qabtay Haweenay la dhalatay Abuubakar Al Bagdaadi iyo Sir badan oo… 

Ciidamada Turkiga ee howlgalka milatari kawada Waqooyiga dalka Siiriya ayaa gacanta ku dhigay haweeney la sheegay in ay la dhalatay Hogaamiyihii dhawaan la dilay ee Kooxda Daacish Abuubakar Al Bagdaadi.

Rasmiya Awad oo ah 65-sabo jir ayaa shalay lagu qabtay magaalada Azaz ee Waqooyiga dalka Siiriya, waxaana haweeneydan lala xiray xubno kamid ah qoyskeeda ay meel kuwada noolaayeen.

Haweeneyda waxaa laga qabtay Waqooyiga Siiriya oo howlgal milatari kawadaan ciidamada Turkiga, waxaana qabashada haweeneydan la dhalatay Abuubakar Al Bagdaadi dhabar jab ku tahay kooxda Daacish oo laga cabsi qabo in ay faafiso xogo ay ka heyso.

Rasmiya Awad waxaa laga helay gaari wayn oo ay ku dhex noolayd. Waxaa la degganaa seygeeda, dumaashideed iyo shan carruur ah, sida saraakiisha Turkiga ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AP.

Saraakiil katirsan dowlada Turkiga ayaa sheegay in xariga Haweeneydan faa’iido badan ku jirto ayna sahleyso in xog badan laga helo kooxda Daacish gaar ahaan dadkii ka agdhawaa Abuubakar iyo marinada kooxdaasi adeegsato.

Sirdoonka Turkiga iyo kuwa Reer Galbeedka ayaa rajo badan ka qaba in ay xogo badan oo muhiim u ah ka helaan haweeneydan la dhalatay Hogaamiyihii la dilay ee Daacish, lamana oga halka ay gaarsiisan tahay xogta haweeneydan ka heyso Daacish.

ABuubakar  Al Bagdaadi ayaa is qarxiyay kadib markii ciidamo Mareykan ah weerar ku qaadeen guri uu kaga noolaa Waqooyiga Siiriya, waxaana dilka hogaamiyahan guul weyn ku tilmaamay Madaxweynaha dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -