Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo Soo Saartay Sharci Cusub oo saameyn ku yeelanaya soo galootiga

Dowlada Talyaaniga ayaa soo saartay sharci cusub oo saameyn xoogan ku yeelanaya dadka soo galootiga ah ee dalkaasi kusoo gala doomaha Sharci darada ah iyo sidoo kale dadkii horey dalkaasi u joogay.

Raisul wasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga ahna wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Matteo Salvini, ayaa dhawaan soo saaray sharci ku aaddan xaddidda soo galootiga dalka Talyaaniga.

Sharcigan cusub ee dowlada Talyaaniga soo saartay ayaa ayaa soo galootiga ka yimid wadamada nabdoon u diidaya in la siiyo sharciga KMG ee labada sano halka kuwii horey u heestay sharcigaasi ku adkaan doonto in ay cusbooneestaan.

Bilihii ugu dambeeyay waxa yaraaday dadkii soo galootiga ah ee imanayay Talyaaniga, kadib markii dowladda dalkaasi ay ka hor istaagtay tiro doonyo ah oo sidey tahriibayaal doonayay inay dalkaasi soo galaan

Sharcigan cusub ayaa soo galootigii hore u joogay Talyaaniga iyo midka cusub ee imanayaba si isku mid ah u saameynaya, balse waxa la hakin karaa kaliya marka uu baarlamaanka dalkaasi uu diido, kaas oo heysta illaa iyo horraanta bisha Diseembar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -