Puntland oo ku hanjabtay in talaabo ka qaadeyso Tv-ga Universal iyo Sababta keentay

Maamulka Puntland ayaa si weyn uga carooday barnaamij xalay laga sii daayay telefishinka Universal xaruntiisa magaalada London, barnaamijkan ayaana lagu dhaliilay maamulka Madaxweyne Saciid Deni.

Wasiirka Warfaafinta, Hidaha iyo Dhaqanka maamulka  Puntland, Cali Xassan Axmed Sabareey oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Garawe ayaa si kulul uga hadlay barnaamijka lagu dhaliilay Madaxweyne Deni ee ka baxay Tv-ga Universal.

Mr Sabareey ayaa ku eedeeyay Telefishinka Universal kicin dadweyne, waxa uuna waxbo kama jiraan ku tilmaamay eedeemaha lagu soo bandhigay, Wasiirka ayaana ku hanjabay in talaabo ka qaadeyso Puntland Tv-ga Universal hadii loo baahdo.

Waxa uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Puntland in ay la xariiri doonaan maamulka iyo dadka iska leh Tv-ga Universal si ay wax uga weediiyaan dhaliisha xalay laga sii daayay tefefishinkaasi.

“Universal TV xaruntiisa London, Program-ka ay xalay sii daysay oo la yiraado Ra’yiga Todobaadka, waannu dhegaysanay, waxaanuna ku aragnay in aanu ku saxnayn TV-gaasi arrimaha uu sheegay, TV-ga dad baa iska leh, agaasimayaal buu leeyahay iyagana waanu la xiriiri doona insha Allaah” ayuu yiri wasiirka Warfaafinra Puntland.

Maamulka uu Hogaamiyo Madaxweyne Saciid Deni ayaa mudooyinkii dambe la kulmayay dhaleeceyn uga imaaneysay siyaasiyiinta iyo bulshada Puntland, waxaana maamulkaasi lagu dhaliilay wax qabad la’aan iyo dib u dhac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -