Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyay hotel SYL

Kooxda Al Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii ka dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee habeenkii Jimcaha lagu qaaday hotelka SYL ee kuyaalla xeydaanbka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarka Al Shabaab ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday, waxaana qaraxa kaddib hotelka galay oo saacado badan ka dagaallamay dabley hubeysan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Warbaahinta Al Shabaab ayaana wareysi ka qaaday weerarka kahor ninkii ka dambeeyay qaraxa ismiidaaminta ah, waxa uuna muujinayay ninkaasi oo dhallinyaro ahaa in uu ku faraxsan yahay in naftiisa haligo.

Ninka fuliyay weerarka ismiidaaminta ah ayaa Al Shabaab magaciisa ku sheegeen Xasan Maxamed Maxamuud oo 20-sanno jir ahaa, ninkaan ayaana qabiil ahaan kasoo jeeda jufada Ceyr ee katirsan beelweynta Habargidir.

Weerarka AL Shabaab ku qaadeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka weerarka ku dhaawacmay ku jira xildhibaano, iyo masiuuliyiin kale oo dowladda katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amniga kaniisadaha dalalka Yurub oo la xoojiyey (Maxaa soo kordhay)

Caydiid Ali

(Xog) Raisal Wasaare Rooble oo ku wajahan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Caydiid Ali

Villa Soomaaliya oo Shaacisay Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh u tagay Galmudug

Cabdi Cade