Wasiir Sabriye oo lagu soo dhaweeyay degmada Matabaan kadib dagaal halkaas ka dhacay (Daawo Sawirro)

Wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay gacanta ku hayeen kooxda Ahlu Sunna.

Wafdiga Wasiirka ayaa kahor inta aysan galin degmada waxaa ka dhacay dagaal dhax maray ciidamada milatariga Soomaaliya oo wafdiga hor kacayay iyo dagaalyahanada Ahlu Sunna, waxaana markii dambe laga awood roonaaday ciidankii Ahlu Sunna.

Sida aan wararka ku helnay Ahlu Sunna ayaa diidaneyn in Wasiirka soo galo degmada laguna soo dhaweeyo, waxaana markii dambe wasiirka iyo wafdigiisa tageen degmada Matabaan halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wasiir Sabriye ayaa soo dhaweyn kadib la kulmay waxgaradka degmada Matabaan, waxa uuna kala hadlay ujeedka socdaalkiisa , waxa uuna ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabad galyada degmada ayna taageeraan dowladnimada.

Dagaalka ka dhacay degmada Matabanaan ayana wali la ogeyn kahasaaraha ka dhashay, waxaana degmada la wareegay ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad ee ka howlgala Gobolada Dhaxe.

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kooxda Ahlu Sunna ayaan wali ka hadlin iska hor imaadka maanta ka dhacay degmada Matabaan, waxaana socda dadaalo lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay dagaalka ka dhacay Matabaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -