Eritrea oo shaacisay cidii maleegtay afgembi fashilmay oo lala damacsanaa Afwerki

Dowlada Eritrea ayaa war kasoo saartay afgembi fashilmay oo lalal damacsanaa Madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki, waxaana afgembigaasi lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Hay’ado sirdoon oo dibadda ah.

Warka kasoo baxay dowlada Eritrea ayaa lagu sheegay afgembi fashilmay oo la qorsheeyay sanadkii 2011-kii ay maleegeen Sirdoonka dowlada Mareykanka ee CIA-da iyo Sirdoonka  Israa’iil ee loo yaqaan MOSSAD.

Afgembiga fashilmay ayey dowlada Eritrea ku sheegtay in loo adeegsaday qeybo badan sida in bulshada la kiciyo ,qaarkoodna la barakiciyo iyo sidoo kale in Ciyaartoyda Xulka Qaranka dalkaasi  ay baxsadaan marka dibadda u safraan.

Sirdoonka Isra’il ayaa lagu eedeeyay in ay ka shaqeenayeen in dowlada Eritrea lagu eedeeyo in ay taageerto xiriirna la leedahay Ururo lagu sheegay argagaxiso oo Bariga Dhaxe ka jiray.

“Dowladda Eritrea inuu si fudud isbeddel uga dhaco ma aha mid suuragalayo, sidaa darteed dowladda Eritrea si looga takhaluso, in la adeegsado xoogag dibadeed oo aqoon u leh ciidanka Eritrea iyo sida ay u shaqeeyaan ay lagama maarmaan tahay. Dowladda shuruudahaasi buuxin kartana ay tahay maamulki wayaanaha uu horkacayey ee Addis Ababa ka arriminayey” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Eritrea.

Warbixintan ay soo saartay Dowlada Eritrea ayaa lasoo saaray sanado badan kadib, lamana oga waxa xiligan kusoo beegay Warbixintan iyo ujeedka ay ka leedahay dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Isaias Afwerki.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -