Turkiga oo jawaab caro leh ka bixiyey go’aan kasoo baxay dowlada Faransiiska

Turkiga ayaa si weyn uga carooday go’aan kasoo baxay Faransiiska oo ku aaddan howlgalka uu Turkiga ka wado gudaha Siiriya.

Sharci dajiyeyaasha Faransiiska ayaa sheegay inaysan wax taageero ah u heynin tallaabada uu Turkiga qaaday.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu cambaareeyay go’aanka ay labada aqal ee Baarlamanka Faransiiska kasoo saareen mowqifkooda ku aaddan howlgalka ay xukuumadda Ankara ka waddo gudaha dalka Suuriya.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa go’aanka ay aqallada senete-ta iyo baarlamaanka Faransiiska ku diideen howlgalka dhulka nabadda ah lagu sameynayo ee ka socda Waqooyiga Suuriya”, ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasaaradda.

Waxaa bayaanka sidoo kale lagu yidhi: “Waa wax aan lala yaabeynin in Faransiisku uu qaato go’aankaas ka dib markii uu ku guul darreystay isku daygii uu ku doonayay inuu maamul argagixiso ah uga dhiso waddanka Suuriya”.

“Dowladda Faransiiska iyo baarlamaankeeduba waxay mar kale xaqiijiyeen inay la safan yihiin kooxda PYD/YPG, kuwaasoo ah garabka Suuriya u jooga kooxda PKK, taasoo ay liiska argagixisada ku dareen Turkiga, Mareykanka iyo midowga Yurub intuba”, ayaa lagu yiri qormada bayaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -