Itoobiya oo 30-sano kadib wax ka badaleysa Siyaasadii ay kula dhaqmaysay Soomaaliya

Dowlada Itoobiya waxaa taladeeda la wareegay hogaan cusub oo dalkaasi u horseeday isbadal dhinacyo badan ah, waxaana xaalada dalkaasi uu hada ka duwan yahay tii ay ku jirtay sanado badan.

Xukuumadihii Itoobiya isaga dambeeyay ayaa faragalin ku hayay siyaasada qaar kamid ah wadamada dariska la ah gaar ahaan Soomaaliya ay ka joogaan ciidamo badan sidoo kale faragalin toos ah ku heysay habka maamul iyo siyaasada ee Soomaaliya ka jirtay.

Wasaarada arimaha dibadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in 30-sano kadib isbadal weyn ku sameeneyso siyaasadeeda arimaha dibadda gaar ahaan mida ku wajahan wadamada dariska la ah.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya Nebiat Getachew ayaa sheegay in isbadal lagu sameenayo siyaasada arimaha dibadda uu sheegay in aysan la jaan qaadi karin siyaasada arimaha dibadda ay ku dhaqmaan wadamada caalamka.

Waxa uu sheegay afhayeenka in Wasaarada arimaha dibadda ka fogaan doonto khilaafaadka wadamada dariska la ah ayna  ka shaqeyn doonto isku xirka amniga Gobolka, isdhexgalka Bulshada Geeska Afrika, dhiiro gelinta isdhaafsiga Aqoonta iyo wixii la mid ah.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa doonaya in dowladiisa ku shaqeyso siyaasad fur furan , waxa ayna Itoobiya dooneysaa in ay ka faa’iideesato siyaasada deganaanshaha ku dhisan si dalkaasi faqriga uga baxo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -