Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ayax ku habsaday qeybo ka mid ah Itoobiya oo ku soo wajahan dhinaca Somalia

Wasaaradda beeraha ee dalka Itoobiya ayaa bilaawday howlgal lagu xakameynayo Ayaxa ku baahay qeybo kamid ah dalkaas kaasoo saameyn ku reebay beeraleyda, sida ay ku warrantay warbaahinta taabacsan dowladda ee Fana.

Ayaxan ayaa la rumeysan yahay inuu kasoo duulay Bariga Dhexe gaar ahaan Yemen, waxaa uu baab’iyay dhul beereed ku yaal Dowlad Deegaanka Soomaalida, gobolka Tegreega, gobolka Cafarta iyo Amxaarada.

Waxay dowladda Itoobiya u daabushay degaanadaas dhowr baabuur oo ay saaran yihiin kooxaha wax buufiya iyo labo dayuuradood oo buufinaya Ayaxa la wareegay halkaas, sida uu sheegay wasiirka beeraha Itoobiya, Sani Redi.

Ayaxan ayaa ku faafay qeybo kamid ah dhulka Soomaalida, waxaa ka midah meelaha uu sida uu weyn u saameeyey gobolka Faafan, iyadoo shacabka walaac ka muujinayeen dhibaatooyinka uu ku reebay beerahooda iyo degaanka.

Warar qaar ayaa sheegaya in ayaxan uu u soo gudbay qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee Somalia, laguna arkay degaano ka tirsan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado, waxaana laga cabsi qabaa in xoogiisa uu gudaha u soo galo dalka, dhibaatooyina u geysto dadka duunyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Ruushka oo Golaha Ammaanka ku tilmaantay Munaafaqiin labo Wajiile ah

Cabdi Cade

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh oo qalinka ku duugay sharci cusub

Caydiid Ali

Faahfaahin: Qaraxyo ciidamada DF iyo kuwo Maraykan ah lagula eegtay Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---