Haraadiga Meydka Taliyihii booliiska AMISOM oo la helay iyo Aas loo sameenayo

Kooxaha baaritaanada ku sameenayay meydadka dadkii ku dhintay diyaaradii Itoobiyan Airline ee ku bur burtay duleedka magaalada Adis Ababa ayaa helay qeybo kamid ah haraadiga meydka taliyihii booliiska AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala.

Taliyihii ciidamada Booliiska AMISOM Christine Alalo ayaa kamid aheyd dadkii ku dhintay shilkii diyaarada Itoobiyan Airline ee horaantii sanadkan ka dhacay meel duleedka ka ah magaalada Adis Ababa.

Dowlada Itoobiya ayaa u dirtay dowlada Uganda cadeymo muujinaya haraadiga qeybo kamid ah jirka  Christine Alalo ,waxaana la filayaa in haraadiga Meydka sargaaladan loo qaado dalka Uganda si aas halkaasi loogu sameeyo.

War kasoo baxay dowlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in la helay cadad yar yar oo kamid ah jirka taliyihii booliiska AMISOM Christine Alalo , waxaana lagu ogaaday baaritaan dhinaca hido sidaha ah.

Afhayeenka booliiska dalka Uganda Fred Enanga ayaa sheegay in aas loogu sameyn doono gudaha Uganda  Christine Alalo, waxa uuna xusay afhayeenka in dowlada Uganda saraakiil u diri doonto Adis Ababa si ay halkaasi uga soo qaadaan haraadiga meydka Alalo.

Shilka Diyaaradeed ee ka dhacay magaalada Adis Ababa 10-kii bishii Maarso ee sanadkan ayaa sababay in ay geeriyoodaan dhamaan dadkii saarnaa diyaaradaasi, waxaana dadka shilkaasi ku dhintay ku jiray muwaadiniin Soomaaliyeed.

- Advertisement -