Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal ciidan oo lagu dhax dilay Gurigiisa oo kuyaala magaalada Muqdisho

Sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu dhax dilay gurigiisa oo kuyaala degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, kadib markii kooxo hubeesan weerar ku qaadeen.

Sida aan wararka ku helnay kooxo hubeesan ayaa gurigiisa ugu dhax galay kadibna ku dhax dilay labo xidigle Cali Raage Cadde oo horey usoo noqday taliye kuxigeenka saldhiga booliiska degmada Dharkeenley sidoo kale saldhigyo kale kasoo shaqeeyay.

Raga dilka geestay ayaa la sheegay in ay goobta si nabad galyo ah uga baxsadeen , waxa ayna kooxdaasi horey usii qaateen biskoolad uu lahaa sargaalka ay gurigiisa ku dhax toogteen.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa markii dambe gaaray guriga sargaalka la dilay, waxa ayna ciidamada ku guul dareesteen in ay gacanta kusoo dhigaan dambleydii dilka u geestay sargaalka booliis.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qandaraaslayaal Dhismooyin oo lagu xir xiray Turkiga iyo kuwo kale oo la baadi goobayo

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamo hareeyay Guriga Qoor Qoor ka degan yahay Gaalkacyo

Cabdi Cade

Weerar ku bilowday Qaraxyo oo lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen ciidanka Dowladda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---