AMISOM oo shaacisey iney bilaabeyso howlgal dalka saarayo Al-Shabaab

Abaanduulaha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya Gen Diomede Ndegeya oo booqasho ku tegay Taliska qeybta 1aad ee Ciidamada Uganda.

Waxaa uu sheegay  in booqashadan ay tahay kormeer barasho ah oo uu ku tagayo dhamaan Xerooyinka AMISOM ee Soomaaliya.

Gen Diomede Ndegeya ayaa ku amaanay Ciidamada Uganda ee AMISOM tallaabooyinkii ay Al-Shabaab ugala wareegeen degaannada Sabiid-Caanoole, Bariire, Awdheegle, Ceel Salini iyo Jannaale, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxaan kordhineynaa howlgalada lagu sugayo amniga, waanna dagaalami doonnaa ilaa inta Shabaab laga sifeynayo gudaha Dalka Soomaaliya ”ayuu yiri Gen.Ndegeya.

Ciidamada Uganda waa Ciidamada ugu badan ee ka tirsan AMISOM ee ka  howlgalla Soomaaliya,waxaana ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab ee ka jira gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -