Xukuumadda oo caddeysay In dowladdu aysan Jebin Heshiiskii ay la gashay Ahlu sunna (Sawiro)

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka, Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah 10-kii qodob ee dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay wada saxiixdeen.

Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in dowladdu ay ku dadaaleyso in reer Galmudug ay helaan dowlad gobaleed loo dhanyahay ayaa caddeeyay dowladdu ay mar waliba u taagantahay fulinta dhammaan 10-ka qodob ee lagu wada heshiiyay

Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay Ahlu Sunna waxaa wada saxiixay  Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka iyo madaxa fulinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

   

- Advertisement -