Dal Afrika kuyaala oo la xaqiijiyay in lagu arkay Cudurka Halista ah ee Caronavirus

Dalka Masar ayaa noqday dalkii ugu horeeyay oo kuyaala Qaarada Afrika oo laga helay cudurka Caronavirus ee ka dilaacay dallka Shiinaha , kaa oo galaaftay nolosha dad ka badan 1,500-qof .

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Masar ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa coronavirus ee lagu arko gudaha dalkaasi, waxaana la karantiilay qofka laga helay cudurkaasi.

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka ee dalka Masar ayaa lagu sheegay in qof ajnabi ah laga helay cudurka Caronavirus, waxaana qofkaasi oon la sheegin dalka uu u dhashay lagu karantiilay isbitaal si cudurkaasi uusan usii faafin.

Wadamada kuyaala qaarada Afrika ayaa xiriir dhaw la leh dalka Shiinaha , waxaana jirta cabsi laga qabo in cudurkaasi soo gaaro qaarada Afrika oon u diyaarsaneyn xiligan daaweyntiisa iyo kahortaga in uu sii faafo.

Cudurka Caronavirus inta la xaqiijiyay waxaa u dhintay  1,523. Afar qof , waxaana tirada dadka ku dhintay cudurkaasi gaaray  66,492, waxaana laga cabsi qabaa in dadka u dhimanaya cudurkan halista ah sii kordhaan maadaama uu si weyn usii faafayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -