Qarax lala beegsaday haween ka shaqeeya Nadaafada oo saaka Muqdisho ka dhacay

Qarax ayaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan halka ay iska gooyaan wadooyinka Taleex iyo Maka Al-Mukarama kaasoo khasaare uu ka soo gaaray haweenka ka shaqeeya nadaafada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino la sheegay in lagu dhax qariyay Qashin la dhigay Wadada Dhinaceeda.

Haweeney ka mid aheyd shaqaalaha dowladda Hoose ee Nadaafadda ka shaqeeya ayaa la sheegay iney ku dhimatay qaraxa, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen, waxaana jira warar dhimashada gaarsiinaya labo qof inkastoo aan la xaqiijin.

Qaraxa ayaa ka dhacay Afaafka hore ee Mid ka Mid ah bankiyada ku yaala Isgoyska Taleex, waxaana halkaas gaaray ciidamada amaanka oo baaritaan ka sameeyey goobtaas, waxaana dib u furmay socodka gaadiidka ee wadadaas oo muddo kooban hakad galay.

Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska Booliska ayaan illaa hadda ka hadlin qaraxan oo aan aheyn kii ugu horeeyey ee lala beegsado shaqaalaha nadaafada dowlada hoose ee ka shaqeeya wadooyinka magaalada Mqudisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -