Dowlada Kenya oo dib u fasaxday Duulimaadyadii Soomaaliya iyo Sababta keentay

Dowlada Kenya ayaa mudo kadib dib u fasaxday duulimaadyadii aadi jiray Soomaaliya iyo waliba kuwii ka imaan jiray, kadib xayiraad ay horey usoo rogtay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda dowlada Kenya ayey ku shaacisay inay dib u furtay duulimaadyadii dalkaas uga iman jiray Soomaaliya iyo kuwii tegi jiray.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa qoraalka kasoo baxay lagu sheegay inay go’aanka qaadatay, ayada oo la eegayo dhex-dhexaadin la sameeyey, inkastoo aan qoraalka lagu cadeyn cida sameesay dhax dhaxaadinta.

“Tallaabadan niyad-wanaagga ah waxaa la qaatay ayada oo la eegayo danta labada dal iyo in la rajeynayo inay horseedi doonto in si buuxda loo caadiyeeyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku jirto diblomaasiyadda, ganacsiga iyo xiriirka shacabka labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa horey u shaacisay in si KMG ah u hakisay duuliimaadyadii Soomaaliya iyo Kenya u kala gooshi jiray, waxa auna saameyn badan talaabadan ku yeelatay dadka u kala safra labada dal.

 

- Advertisement -