Jubbaland oo xariga ka jartay Mashruuc weyn oo laga hirgeliyey Kismaayo (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa daah-furay guryaha xalka waara oo laga hirgaliyay degaanka Luglow ee Waqooyiga magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay wehelinayaan wasiiro ka tirsan dowladda Jubbaland, Hay’adaha mashruuca guryaha xalka waara ah hirgaliyay iyo Guddoomiya Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa si guud u soo kormeeray guryahan oo dib u dajin loogu sameeyay barakacayaal laga soo kala xulay Kaamamka Waqooyiga magaalada Kismaayo kuwaasoo dhan 138 qoys.

Guryahan xalka waara oo ay hirgaliyeen Hay’adaha UNHCR iyo NRC ayaa looga gol leeyahay dadka danyarta ah ee ay abaaraha iyo Fatahaadaha isku biirsadeen in looga saaro xaaladda adag ee hoy xumada ah taas oo muddaba haysatay.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland (JUCRI) ayaa door muhiim ka qaadatay in guryahan dib u dajin loogu sameeyo dadka danyarta ah ee xaaladaha adag deegaanadoodi uga soo barakacay.

- Advertisement -