Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dilka Abuubakar Al Bagdaadi oo loo hadal hayo iyo Trump oo Warbaahinta la hadlaya

Wakaaladaha wararka caalamka iyo Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahinaya war ku saabsan in la dilay Hogaamiyihii ugu sareeyay kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish  Abuubakar Al-Baqdaadi.

Saraakiil katirsan milatariga Mareykanka ayaa laga soo xigtay in howlgal qorsheesan ay fuliyeen ciidamo Mareykan ah lagu dilay Abuubakar Al-Baqdaadi oo ku dhuumaaleesanayay dalka Siiriya gaar ahaan magaalada Idlib.

Dowlada Mareykanka ayaan wali si faah faahsan uga hadlin warkan soo baxaya ee ku aadan in la dilay Hogaamiyaha kooxda Daacish, waxaana la filayaa saacadaha soo aadan in madaxda Mareykanka ka hadlaan warkan sida weyn loo sugayo.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay in galabta uu la hadli doono Warbaahinta, waxaana Trump qoraal kooban uu soo dhigay Twitterkiisa ku sheegay wax weyn ayaa hada dhacay taas oo loo fasirtay dilka Abuukar Al Bagdaadi.

Dowlada Mareykanka ayaa marar badan horey u sheegtay in la dilay Hogaamiyaha kooxda Daacish balse markii dambe wararkaasi been noqdeen, waxaana hada dhagta loo wada taagayaa warka Madaxweyne Trump Warbaahinta la wadaagi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baadi-goobka dhaxalkii Matxafka qaranka !!!

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Scott Morriso oo ku baaqay in wax laga qabto Baraha bulshada

Cabdi Cade

ATMIS oo war kasoo saaray dad ay arxandarro u dileen askartooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---