Abiy Axmed oo Hanjabaad culus hawada soo marsiiyay fariina u diray shacabka Itoobiya

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa si adag uga hadlay rabshadihii ugu dambeeyay ee dalkaasi ka dhacay oo galaaftay nolosha dad badan oo shacab ahaa halka sidoo kale ka dhasheen barakac iyo bur bur hantiyadeed.

War Qoraal ah uu soo saaray Abiy Axmed ayuu kaga hadlay rabshadaha dhacay iyo dhibaatada ka dhalatay, waxa uuna ku hanjabay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii ka dambeesay rabshadahan dhacay.

”Kooxaha dhibaatadan noo horseeday waxaan u shegeynaa inaan diyaar u nahay naf inaan u hurno si aan u xaqiijinno badhaadhaha Itoobiya iyo shucuubta dalka, sarreynta sharciga si aan u meel marinnana cid kasta oo wixi dhacay ku lug lahayd sidi tallaabbada ku habboon looga qaadi lahaa ayaan si adag uga howl galeynaa.” ayuu yiri Abiy Axmed.

Abiy Axmed ayaa tacsi u diray dadkii eheladooda ku waayay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Itoobiya, waxa uuna balan qaaday in dowlada ka shaqeyn doonto sidii garab isiin laheyd dadkii waxyeelada kasoo gaartay rabshadaha.

Waxa uu sheegay Abiy in ay jiraan dad doonayay in rabhadaha ku saleeyaan diin iyo qabiil, waxa uuna sheegay in shacabka Itoobiya ay yihiin dad isku duuban ayna kasoo horjeedaan in xiligan la kala qeybiyo.

Dad ka badan 60-qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Itoobiya gaar ahaan magaalada Adis Ababa iyo hareeraheeda, waxaana dadka dhintay isugu jiraan kuwa ciidanka dileen iyo kuwa rabshado iska soo horjeeda ku dhintay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -