Dibad baxayaal careesan oo saakay gaadiid ku jaray Laamiga KM-4 (Daawo Sawirro)

Qaar kamid ah darawalada gaadiidka PL-ka iyo kuwa mooto bajaajta ayaa saakay banaan bax waxa ay ka dhigeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgooska KM-4 oo kamid ah goobaha ugu mashquulka badan Muqdisho.

Darawalada banaanbaxa dhigayay ayaa ka cabanayay jidadka xiran ee magaalada Muqdisho iyo sidoo kale canshuurta badan ee laga qaado iyaga oon heesan wadooyin ay maraan kuna shaqeestaan.

Waxa ay sheegeen darawalada banaan baxa dhigayay in wadooyinka magaalada ay dowlada xiratay ayna kusoo koobmeen qeybo yar, waxa ayna tilmaameen in magaalada dhaxdooda aysan gaadiidku isku mari karin .

Dibad baxayaasha ayaa laamiga ku jaray gaadiidka PL-ka iyo mooto bajaaj, waxa ayna diideen in wadadaasi ay maraan gaadiid kale iyo sidoo kale kuwa ay wataan masuuliyiinta iyo saraakiisha.

Banaan baxan ayaa kusoo aadaya xili shalay banaan bax kan lamid ah uu ka dhacay laamiga isku xira Soobe iyo Buulo Xuubey, waxa ayna dibad baxyadaan saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah ee gaadiidka dadweynaha raaca.

- Advertisement -