Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne kala diray dhamaan Golihiisa Waiirada kadib codsi loo diray

Madaxweynaha dalka Chile Sebastian Piñera ayaa kala diray golihiia Wasiirada , kadib banaan bax lagu dalbanayay in Madaxweynaha isbadal ku sameeyo cadaalada iyo qaar kale oo kamid ah Hay’adaha dowlada.

Sebastian Piñera ayaa ku war galiyay dhamaan golihiisa wasiirada in lakala diray laguna sameenayo dib u habeyn, waxa uuna xusay Madaxweynaha in uu maqlay uuna aqbalay codsiga dadka banaan baxa dhigayay.

Madaxweynaha dalka Chile Sebastian Piñera ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in uu qaaday bandowgii isbuuc kahor lagu soo rogay dalkaasi kadib markii dadka bilaabeen banaan baxyo dowlada looga soo horjeeday.

Dalka Chile waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday banaan baxyo ay ku dhinteen dad ku dhaw 20-qof, dadka banaan baxa dhigayay ayaana ka cabanayay cadaalad darada iyo sinaan la’aanta dalkaasi ka jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro laga soo qaaday Weerarka Al Shabaab ku qaadeen Dhismo kuyaala Nairobi

Cabdi Cade

Puntland oo amaro ka soo saartay amniga Boosaaso, xili ay xiisad ka taagan tahay

Caydiid Ali

Dagaal saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade