NISA oo xabsiga dhigtay taliyihii laga soo celiyey Kismaayo & dembi yaab leh oo loo heysto

Taliska Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka NISA ayaa xabsiga dhigtay nin sheegay in loo magacaabay Taliyaha NISA ee maamulka Jubbaland, kaasoo dib looga soo celiyey magaalada Kismaayo.

Ninkan oo lagu magacaabo Cali Mire Ducaale ayaa dhowaan ka degay magaalada Kismaayo isagoo sheegay in loo magacabaay Taliyaha Cusub ee NISA u qaabilan Maamulka Jubbaland, laakiin xarigiisa ayaa la sheegay inuu ku saleysan yahay sheegasho xil been abuur ah.

NISA ayaa sheegtay in Cali Mire Ducaale aan loo magacaabin wax xil ah, taasina hadda ay baaritaan ku hayaan hay’adda NISA oo xabsiga u dhaadhicisay, iyadoo waqti badan ay qaadatay in arrintan xaqiiqadeeda la ogaado.

“Shaqsi sheegtay inuu Taliyaha NISA u magacaabay qeybta Jubbaland oo watay warqado been abuur ah ayaa ciidanka amniga caawa fiidkii soo qabteen. Ciidanka amniga wuxuu u taagan yahay ilaalinta kala danbaynta”.ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Taliska NISA.

Kiiskan ayaa noqonaya mid ku cusubn dowladda Federaalka iyo hay’adaha amniga, iyadoo shaki badan uu ku xeeran yahay,  waxaana dad badan ay isweydiinayaan sababta dowladdu ay arrintan uga hadashay todobaad ka dib, waxaa kaloo ay su’aal ka taagan tahay sida xil sidaas u sareeyo oo shaqsi u sheegan karo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com   

- Advertisement -