Suuqa Bakaaraha oo loo sameeyay Wadooyin qurux badan (Daawo Sawirada)

Waxaa qaar kamid ah wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ka socota dib u habeyn, waxaana wadooyinkan dhismihiisa gacan weyn ka geesanaya ganacsatada Suuqaasi.

Wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha qaarkood ayaa la saaray dhagxaanta loo yaqaan entrer look , waxaana dhismaha wadooyinkan ay badaleen muuqaalka Suuqa oo hada u muuqda mid qurux badan.

Gudoomiyaha degmada Howlwadaag Mustaf Cali Kheyre ayaa maanta kormeeray qeybo kamid ah wadooyinka Suuqa Bakaaraha gaar ahaan kuwa la saaray Enter Lok iyo kuwa kale oo hada dhismo ka socdo.

Mustaf ayaana bogaadiyay ganacsatada Suuqaasi si ay gacanta uga geesanayaan soo  celinta bilicda Suuqa, waxa uuna balan qaaday in maamulkiisa uu gacan ka siinayo ganacsatada horumarka Suuqa iyo dib u dhiska wadooyinka muhiimka ah

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ah kuwa ugu badan ee dowlada ka qaado cansuurta ayaa hadana dantu ku qasabtaa in lacago ay iska aruuriyaan ku dhisaan wadooyinka Suuqa si muuqaalka suuqa u noqdo mid qurux badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -