Gabar lama filaan iyo Qoomamo kala kulantay Qaliin is qurxis oo ay gashay !!! 

Haweeney Shiinees ah oo adduun dhan 13,000 yuan ‘una dhiganta $1,850′ ku bixisay inay marto qaliinka baararka indhaha loogu sameynayo ayaa hadda awoodi la’ inay labadeeda indhood isku qabato – xittaa marka ay jiifsaneyso.

Nuuca qaliinkan ayaa ah midka loogu codsiga badan yahay guud ahaan Shiinaha, Japan iyo Kuuriya. Waxaana loo tix-geliyaa mid soo jiidasho leh. Laakiin halka laga yaabo in natiijada ka timaada ay u muuqan karto mid lagu guuleystay, waxaa ka dhasha cirib aan la mahdin — sida in mararka qaar uu qofku awoodi karin inuu labadiisa indhood isku qabto.

Haweeneydan oo magaceeda lagu soo gaabiyay Li ayaa hadda ka qoomameynaysa go’aankii ay shalay ku dooratay inay gasho qaliinka baararkeeda lagu sameeyey.

Waxay markii hore codsatay in baararkeeda loo ballaariyo, balse marnaba qanaaco kama helin natiijadii usoo baxday. Waxay mar labaad weydiisatay in lagu celiyo qaliinka.

Si ay uga jawaabaan baahideeda, dhaqaatiirta ayaa ku sameeyey qaliin kale, balse marnaba mayeelan dhammaad farxad geliya haweeneyda.

Xaqiiqdii xaaladdu way kasii dartay heer ay gaarto inay labadeeda indhood isku qaban wayso.

Hadda dhibta ugu weyn oo ay tahay inay la tacaasho ayaa ah sidii ay dib iskugu qaban kari lahayd labadeeda indhood. Waxayna ku bixinaysaa qarash ka badan midkii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -