Ciidamada Ahlu sunna oo qaaday talaabo ka careysiin karta dowlada federaalka

Ciidamo ka tirsan Maamulka Ahlusunna ayaa la wareegay Xarunta maamulka Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Xarunta lala wareegay ayaa waxaa la qorsheynayay in lagu wareejiyo ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

Arintan ayaa sii kordhisay xiisada u dhexeysa labada dhinac ka dib markii Ahlu suna ay diiday guddiga doorashooyinka Galmudug ee dowladu magacowday, iyagoo ka barbar sameeyey guddi kale oo doorasho.

Loolanka u dhexeeya dowlada Somalia iyo ahlu suna ayaa laga dareemay magaalada Dhuusamreeb oo labada dhinac ay ka joogaan masuuliyiin iyo ciidamo hubeysan.

Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka walaacsan xiisada u dhexeysa labada dhinac, iyagoo ka cabsi qaba inuu dhexmaro isku dhac sababi kara khasaare aan la mahdin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -