Wararkii Ugu dambeeyay Dagaalkii ka socday Muqdisho iyo dowlada oon wali ka hadlin

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa galabta ka bilowday magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha Saban Saban iyo Haanta dheer ee katirsan degmada Dayniile.

Ciidamada dagaalamayay oo u abaabulnaa qaab beeleed ayaa isku heesta dhul kuyaala xerada Saban Saban ee Degmada Dayniile, waxaana ciidamadan galabta dhax maray dagaal xoogan oo socday ku dhawaad labo saacadood.

Dagaalka ayaa hada qaboobay, waxaana mararka qaar aaga ay ku dagaalamayaan ciidamada iska soo horjeeda laga maqlayaa rasaas goos goos ah ay is dhaafsanayaan labada ciidan.

Dadkii shacabka ahaa ee degmada xaafadaha lagu dagaalamayay ayaa ku barakacay dagaalka, waxaana rasaasta wiiftada ah ay gaareysay xaafado ka fog fog halka uu dagaalku ka socday.

Dagaalka waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo waliba ciidamada dagaalamaya, waxaana isbitaalada qaar la geeyay dad dhawacyo soo gaareen.

Ciidamada dagaalamay ayaa wali isku horfadhiya goobihii ay ku dagaalamayeen, waxaana saacda kasta laga cabsi qabaa in mar kale ay dagaalamaan ciidamada iska soo horjeeda oo sidoo kale garab ka helaya maleeshiyaad.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dagaalkan galabta ilaa caawa ka socday magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in aaga lagu dagaalamayo ay ka dhaw yihiin ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya iyo AMISOM.

Xaafadahan lagu dagaalamayo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay iska hor imaadyo goos goos ah, waxaana dagaalka galabta ka dhacay uu ahaa kii ugu xooganaa ee mudooyinka ka dhaca magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -