Ruushka oo qaarada Afrika ka cafiyey deyn $20 bilyan gaareysa & Somalia oo..

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Russia uu cafiyey deynta uu ku lahaa wadamada Afrika oo ka badan $ 20 bilyan.

“Si looga caawiyo qaaradda Afrika sidii looga gudbi lahaa saboolnimada, Ruushku wuxuu go’aansaday inuu cafiyo wax ka badan $ 20 bilyan oo deyn ah dalalka Afrika uu ku lahaa” ayuu yiri Putin.

Madaxweynaha Ruushka ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyey shirka Madasha ruushka iyo Afrika ee ka socda magaalada Sochi oo ay ka qeyb galayaan inta badan hogaamiyeyaasha dalalka Afrika.

Dalalka afrika ee laga cafiyey deynta uu ku lahaa Ruushka ayaa waxaa ka mid ah Somalia oo Ruushku ku lahaa lacag gaareysa $600 oo Milyan sida laga xigtay ilo diblomaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka mid ah madaxda dalalka Afrika ee ka qeyb galaya shirka madaxa Afrika iyo Ruushka ee ka socda magaalada Sochi.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili dowlada Somalia ay dedaal xoog leh ugu jirto sidii looga cafin lahaa deyn gaareysa $5 bilyan oo dibeda looga leeyahay taasoo inteeda badan la qaaday xiligii ay dalka ka talineysay dowladii Kacaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -