Masuuliyiin katirsan dowlada Federaalka oo maanta kusii jeeda Dhuuso Mareeb iyo Ujeedka …

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug in ay gaaraan Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye .

Wasiirka iyo xubnaha la socda ayaa magaalada Dhuuso Mareeb kula kulmi doona Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Madaxada Xukuumada Sheekh Shaakir iyo waxgaradka ku dhaqan magaaladaasi.

Sida aan wararka ku helnay Wasiirka ayaa kala hadli doona Madaxda Galmudug sidii xal loogu heli lahaa maamulka oo noqday mid laga niyad jabay iyo sidii mar kale looga shaqeyn lahaa in Galmudug dib boorka looga jafo.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa aaminsan in waqtiga rasmiga ah ee jiritaanka maamulka Galmudug in uu ku egyahay bisha June ee sanadkan, waxa ayna dowlada dooneysaa in la qabto doorasho lagu dhisayo maamul cusub.

Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumada ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in mudada xil heyntooda ay ku egtahay sanadka 2021-ka , waxa ayna kasoo horjeesteen in Doorasho cusub la qabto.

Dowlada federaalka aya adooneysa in Madaxda Galmudug iyo Waxgaradka Dhuuso Mareeb kala hadasho sidii ay u aqbali lahaayeen in doorasho cusub la qabto, hadii ay taasi diidaana ayaa qorshuhu yahay in Cadaado mar kale marti galiso dhismaha Galmudug cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -