Waa Maxay Sababta aan wali loo aasin Meydka taliyihii Ururka Gorgor ee Kumaandooska ?

Waxaan wali la aasin meydka taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo habeenkii sabtida soo galeysay lagu dilay agagaarka taalada Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho.

Taliye Maxaadey Saleemaan Abuukar iyo ilaalo la socotay ayaa la dilay kadib rasaas xoogan oo lagu furay gaari ay la socdeen, waxaana falkaasi la sheegay in ay ka dambeeyeen ilaalada Hotelka Maa’ida oo la sheegay in uu leeyahay Wasiirka Amniga gudaha.

Ehelada Sargaalka ayaa ka dalbaday dowlada in faah faahin rasmi ah ka bixiso dilka loo geestay taliyaha oo ay sheegeen in uu u dhacay si kutala gal ah, waxa ayna meesha ka saareen in dilkaasi ku yimid si kam ah.

Wasiirka amniga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo la kulmay ehelada sargaalka la dilay ayaa ku guul dareestay qancinta ehelada sargaalka la dilay, waxa ayna Wasiirka ku eedeeyeen in saacado badan ku qaadatay in uu lasoo xiriiro.

Ehelada sargaalka la dilay ayaa sidoo kale sheegay in askartii kiiska dilka loo xiray aysan aheyn kuwii saxda ahaa ee falkaasi geesatay, waxa ayna dalbadeen in cadaalada la marsiiyo dadkii ka dambeeyay dilka sargaalka iyo ilaaladiisa.

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa ku guul dareestay dadaalo ay ku doonayeen in ehelada lagu qanciyo laguna aaso meydka sargaalka geeriyooday, waxaana meydka habeenkii sadexaad ku baryayaa filinjeer.

Baaritaano ku aadan sida uu u dhacay dilka Gaashaanle Maxaadey iyo ilaaladiisa ayaa wali socda, mana jirto wax faah faahin ah ay dowlada ka bixisay baaritaanka kiiskan marka laga reebo in dad la tuhmayo loo xiray .

 

- Advertisement -