Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqtar ku xeel dheer Qaliinada Lafaha oo imaanaya Isbitaalka Kalkaal

Kalkaal speciality hospital oo kamid ah xarumaha Caafimaad ee kuyaala Muqdisho ,waxa uu bulshada Soomaaliyeed ogeysiinayaa in Isbitaalka uu iman doono dhaqtar u dhashay dalka Hindiya kaa oo fulin doono adeegyo caafimaad iyo qaliino kala duwan..

Isbitaalka Kalkaal oo looga bartay in dalka keeno dhaqaatiir xirfad sare ah ayaa markan bulshada Soomaaliyeed dalka u keenaya Dhaqtar Hindi ah oo ku taqasusay cudurada lafaha gaar ahaan qaliimada lagu sameeyo lafaha iyo kabistoosa.

Dhaqtarka Imaanaya Kalkaal ayaa ku xeel dheer qaliinada iyo daaweynta cuduradan:

1-Qaliimada Bedelida Jilbaha

2-Qaliimada Bedelida Sinaha

3-Qaliimada Dhaawacyada Ciyaaraha

4-Toosinta lafaha qaloocday

5-Kabida lafaha bur buray

6-Daaweynta xanuunada lafaha ku dhaca

Isbitaalka Kalkaal ayaa dhamaan qaliimadan u iisticmaali doona qalabka casri ah oo loo isticmaalo qaliinada dunida hada laga sameeyo , waxaana Isbitaalka ka bilaabatay isdiiwaan galinta qaliinada iyo daaweynta cudurada ku dhaca lafaha .

Dhaqtarka fulinaya daaweynta cudurada ku dhaca lafaha iyo qaliimadooda ayaa Ibitaalka ka howl bilaabi doona 31-ka bihan October waxa uuna shaqada ku jiri doonaa ilaa 4/11/2019-ka.

Isbitaalka Kalkaal ayaa kuyaala inta u Dhaxeysa Isgoosyada Digfeer iyo Banaadir.

Wixii faah faahin ah dheeri ah kala xiriir

0617633661/0617633662/ama Numberka gaaban 4040

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo furay shirka Golaha Wasiiradda dowlad Goboleedka Kaduna (Sawirro)

Caydiid Ali

Akhriso Magacyada :Wasiirada , Taliyaasha iyo Xubnaha kale ee looga yeeray Baarlamaanka

Cabdi Cade

Xukuumada Soomaaliya oo si adag u beenisay Warqad lagu faafiyay Baraha Bulshada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---