Marxuum Cumar Carte oo aas qaran loogu sameeyey Hargeysa (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu aasay Allah ha u naxariistee meydka ILAAHAY ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib oo ahaa ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Marxuum Cumar Carte ayaa muddo dheer soo ahaa wasiirka arimaha dibada, waxaana tilmaamaa inuu ka mid ahaa horyaalkii diblomaasiyiinta qaaradda Afrika.

Waxaa aaskiisa ka qeyb galay boqolaal qof oo isugu jiray mas’uuliyiin, shacabka, odeyaasha dhaqanka.

Waxaa sidoo kale ka qeybgalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland.

“Waxaynu joognaa maanta Geerida iyo Aaska laba Marxuum oo dalkan iyo dadkanba wax badan u soo qabtay Alle ha u naxariisto ka hore waa Cumar Carte Qaalib qof walba oo Af-soomaali ku hadlaa wuu garanayaa Dawladdo badan iyo aqoonyahan badan oo Caalamka kamida, dad badan oo uu wax baray ayaa dalkan wax badan taray oo magac ku yeeshay , February 1960kii markii doorashada la helay ee la geli doono shirkii isku darka wuxuu ahaa Aqoonyahankii ku taliyey in dib halloo dhigo markii uu shaqeeyey ee uu Magaalada Hargeysa ka ahaa gudoomiyaha wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee Dibjir guryo loo sameeyo ee sekeda la yiraahdo Dibjir Band sameeyey, Markii  Moosko loo magacaabay ee uu Xoghayaha ka ahaa Safaaraddii uu Qeybe ka ahaa Safiirka wuxuu ahaa dadkii diyaariyey Daraafkii uu Cabdirashiid doonayey in ciidamada ay nasiiyaan, kolkii danbena uu safiirkii Addis ababa inta badan ku raagay”. ayuu yiri Muuse Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -